Hagahaaga baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga (Somali)
La cusboonaysiiyay 3 March 2025
Applies to England
Waxaad dooran kartaa inaad ka qaybqaadato baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga. Buug-yarahaan waxay ujeedadiisu tahay inuu kaa caawiyo inaad go’aan gaarto.
Waa maxay sababta NHS ay u bixiso baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga
Baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daryeelkaaga cudurka sonkorowga. Waxaan bixinaa baaritaankaas maadaama uu kaa caawinayo ka hortagga inaad lumiso araggaaga.ÌýÌý
Maadaama aad tahay qof qaba cudurka sonkorowga, indhahaaga waxay halis ugu jiraan dhaawac ka soo gaara xaalad caafimaad oo loo yaqaano . Baaritaanku waxa lagu ogaan karaa waxyeellada indhaha ka hor inta aadan dareemin wax isbedel ah oo ku yimaadda araggaaga.
Baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga ma aha qayb ka mid ah baaritaannadaada caadiga ah ee indhaha ee uu bixiyo dhakhtarka indhaha. Baaritaanka laguma raadinayo xaaladaha kale ee indhaha. Waa inaad sii wadaa inaad booqato dhakhtarkaaga indhaha si sidoo kale laguugu sameeyo baaritaanada indhaha ee caadiga ah.

Baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga oo loo isticmaalayo sawirada dhijitaalka ah
Xaalada Caafimaad ee Indhaha ee Cudurka Sonkorowga (Diabetic retinopathy)
Cudurka ‘Diabetic retinopathyâ€� wuxuu dhacaa marka heerarka sonkorta dhiigga ee sarreeya ay waxyeeleeyaan dhanka dambe ee isha. Wuxuu sababi karaa marinada dhiigga ee ku jira isha inay qubaan ama ay xirmaan.ÌýÌý
Cudurka ‘Diabetic retinopathyâ€� ee aan la daweynin wuxuu sababi karaa indho-beel. Marka la ogaado goor hore, daaweyntu waxay yarayn kartaa ama ka hortagi kartaa waxyeellada soo gaari karta araggaaga.Ìý
Sida aan u samayno baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga

Dhibco lagu shubayo indhaha kahor baaritaanka
Ballantaadu waxay inta badan qaadan doontaa ilaa 30 daqiiqo:
- Waxaan ku weydiin doonaa inaad akhrido xarfo ku qoran derbiga.Ìý
- Waxaan dhibco ku shubi doonaa indhahaaga. Dhibcahaan waxaa laga yaabaa inay ku xanuunjiyaan dhowr ilbiriqsi waxayna araggaaga ka dhigi karaan mid qallafsan.Ìý
- Marka dhibcuhu bilaabaan inay shaqeeyaan, waxaanu ku waydiin doonaa inaad eegto kamarad. Kamaradu ma taaban doonto indhahaaga.Ìý
- Waxaan sawir ka qaadi doonaa dhabarka dambe ee indhahaaga. Waxaa jiri doona iftiin dhalaalaya oo lagugu soo fasixi doono.Ìý
Marka aan kugu casuumayno baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga
Waxaan qof kasta oo qaba cudurka sonkorowga oo da’a ahaan jira 12 iyo ka weyn ku casuumaynaa baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga.ÌýÌý
Inta jeer ee aanu ku casuuno waxay ku xiran tahay natiijada labadii ballamood ee u dambeeyay ee baaritaanka. Waxaan kugu casuumi doonaa baaritaanka 1 ama 2-dii sanaba mar haddii aanan kaa helin cudurka ‘diabetic retinopathy�.
Khataraha suurtagalka ah ee ka dhalan kara baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga
Ma jiro baaritaan 100% lagu kalsoonaan karo.
Dhibcaha isha waxaa laga yaabaa inay ku xanuunjiyaan dhowr ilbiriqsi, laakiin baaritaanku xanuun ma leh, qalabka la isticmaalayana ma taaban doono indhahaaga.ÌýÌýÌý
Ilaa 6 saacadood ka dib baaritaanka:ÌýÌý
- Waxa laga yaabaa in araggaagu qalafsanaado - ha wadin gaari ilaa araggaaga caadi ku soo noqdoÌýÌý
- wax walba waxay kuula ekaan karaan kuwo aad u ifaya - xirashada ookiyaalaha qorraxda ayaa ku caawin kara.
Natiijooyinka baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowga
Khabiir caafimaad ayaa eegaya sawirada indhahaaga ka dib baaritaankaaga.Ìý
Waxaan hiigsaneynaa inaan warqadda natiijada kuu soo dirno adiga iyo GP-gaaga�3 usbuuc gudahood.
Haddii aanan helin natiijo cad, waxa laga yaabaa inaan kuu yeerno si aan kuugu samayno qiimayn kale.ÌýÌý
Waxaa jira 3 nooc oo natiijo ah oo ku aadan isbeddellada cudurka sonkorowga ee ku dhici kara dhabarka dambe ee indhahaaga:Ìý
- in aan wax isbedel ah dhicin - arrinta waxaa loo yaqaannaa inuusan jirin cudurka ‘diabetic retinopathy’�
- xooggaa isbeddello ah inay ku dhacaan indhahaaga - arrintan waxaa loo yaqaanaa ‘background retinopathy’�(marxalada 1)
- dhaawaca isha ee wax u dhimi kara araggaaga - arrintan waxaa loo yaqaanaa ‘referrable retinopathy�. Waxaa laga yaabaa inaad qabtid mid ka mid ah ‘pre-proliferative retinopathy� (marxalada 2) ama ‘proliferative retinopathy� (marxalada 3). Warqadaada natiijada ayaa arrintan si faahfaahsan u sharxi doonta
Iyadoo ku xiran natiijadaada, waxaa laga yaabaa inaad u baahato ballan dabagal ah. Ballantan waxaa lagu eegayaa haddii aad u baahan tahay daaweyn ama baaritaanno badan oo joogto ah. Waxa laga yaabaa in aanu baaritaan tafatiran ku samayno indhahaaga annagoo isticmaalayna noocyo kala duwan oo kamarad ah. Arrintan waxaa mararka qaarkood loo yaqaannaa ‘optical coherence tomography� (iskaanka OCT).
Tilmaamaha iyo fikradaha wax ku ool ah ee maalinta
La imow dhammaan lensiyada indhaha iyo ookiyaalayaasha indhaha ee aad xirato iyo dareeraha aad ku nadiifiso ookiyaalayaasha.Ìý
Hore u soo qaado ookiyaalaha qoraxda maadaama ay indhahaagu dareemi karaan dareen xasaasi ah ka dib marka isha lagu shubo dhibcaha.Ìý
Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inuu qof kuu soo raaco balanta. Waa inaad wadin gaari ilaa araggaaga uu caadi ka soo noqdo, taas oo qaadan karta ilaa 6 saacadood.
Sida loo yareeyo khatarta aad ku jirto
Waxaad gacan ka gaysan kartaa inaad yareyso khatarta aad ku jirto haddii aad:Ìý
- gulukoosta dhiigaaga u xakameyso sida ugu waxtarka badanÌý
- dhakhtarkaaga u aragto si joogto ah si loo hubiyo cadaadiska dhiigaaga.ÌýÌý
- aad ka xaadirto dhammaan ballamahaaga baaritaanka indhaha ee cudurka sonkorowgaÌý
- talo raadsato haddii aad aragto wax isbedel ah oo ku yimaadda araggaagaÌý
- daawooyinkaaga sonkorowga u qaadato sidii laguugu qorayÌý
- jimicsi u samayso joogto ah, adigoo raacaya talada caafimaadka
Macluumaad iyo taageero dheeraad ah
Akhri qoraalka casuumaada baaritaanka si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa aad u baahan tahay inaad samayso marka xigta.Ìý
Waxaad sidoo kale:Ìý
- Ìýka akhrisan kartaa NHS.UKÌýÌý
- akhrisan kartaa buug-yaraha ku saabsan cudurka ‘diabetic retinopathyâ€�, haddii aad u baahan tahay kormeer iyo daaweyn joogto ahÌýÌý
- ÌýÌýDiabetes UK
Macluumaadkan waxaa lagu heli karaa qaabab kala duwan, oo ay ku jiraanÌýakhriska fududÌýiyoÌýluuqado kale. Si aad u codsato xogtan oo qaab kale ah, waxaad wici kartaa 0300 311 22 33 ama iimayl u diri kartaa [email protected].ÌýÌýÌý
Waxaan macluumaadkaaga shakhsiyeed ee ku jira diiwaan NHS u isticmaalnaa inaan wakhti fiican kuu soo dirto casuumaada baaritaanka. Macluumaadkan wuxuu naga caawinayaa inaan wanaajno barnaamijyada baaritaanka iyo inaan bixino daryeel tayo sare leh. AkhriÌý.ÌýÌýÌý
OgowÌý.