Abka NHS ee COVID-19
Barnaamijka abka NHS COVID-19 waxaa la xiray 27 Abril 2023. Waxay ahayd hab degdeg ah si loo arko haddii aad halis ugu jirto coronavirus (COVID-19) iyo hab sahlan oo aad dadka kale loogu digayo hadii cudurka lagaa helo.
Soo dejiso abka NHS ee COVID-19
Barnaamijka abka NHS ee COVID-19 wuxuu diyaar u yahay in lagu soo dejisto si bilaash ah gudaha England iyo Wales.
Haddii aad ku nooshahay mid kamid ah labada waddan oo aad tahay 16 ama ka weyn, waxaad ku soo dejisan kartaa abka taleefankaaga.
Abka waxaa ku jira astaamo dhowr ah si ay kaaga caawiyaan inaad ilaaliso nafsadaada iyo kuwa kale, oo ay ku jiraan:
- helida farriimaha ku ogeysiinaya haddii laga yaabo inaad u baylahday caabuqa koroona (COVID-19)
- baaraha calaamadaha
- taladii ugu dambeysay ee ku saleysan duruufahaaga
- macluumaadka guud ee COVID-19
- gelinta natiijo togan (ka imaata NHS ama baaritaanka lacag) si loogu digtoonaado kuwa kale haddii ay khatar ku jiraan
Abka wuxuu ku siin doona macluumaadkii ugu dambeeyay iyaddoo ay ku xiran tahay halka aad ku nooshahay. Tilmaamuhu way ku kala duwanaan karaan England iyo Wales.
Abku ayaa la cusboonaysiin doonaa waqti ilaa waqti iyadoo lagu cusboonaysiinayo shaqeyn cusub iyo horumarino. Noocii ugu dambeeyay waxaa ku jira astaamo iyo talo cusub marka waa muhiim in la cusbooneysiiyo.
Xaaladda tallaalkaaga, isticmaal midka u gaarka ah (England oo keliya).
Caawinaad ku hel abka
Abka waxaa lagu heli karaa 12 luqadood oo kala duwan oo waxaad dooran kartaa luqadda aad doorbidayso ee setinka.
Ka ogow wax badan oo ku saabsan qofka isticmaali kara abka NHS ee COVID-19.
Abka NHS ee COVID-19 wuxuu isticmaalaa Tamar Yar ee Bluetooth (BLE) si loo fahmo masaafada, waqti ka dib, ee u dhexeeysa isticmaalayaasha abka. Caadi ahaan, waxaa laguu soo diri doonaa ogeysiin u baylahid ah oo wadata hagitaan haddii aad 2 mitir ujirtay qof muddo 15 daqiiqo ah ama ka badan oo tan iyo markii laga helay COVID-19.
Haddii qof laga helo COVID-19, oo uga warbixiyo natiijada abka, oo uu ogolaado inuu wadaago aqoonsigooda kala sooca lahayn, abka wuxuu xisaabin doonaa khatarta isticmaale kasta oo abka oo uu la xiriiray dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay 鈥� macluumaadkan, Abka ayaa shaqayn doona haddii isticmaaluhu uu helo ogaysiis u baylahid ah iyo haddi kaleba.
Ka ogow wax badan oo ku saabsan sida abku uu u shaqeeyo.
Sida abku uu u ilaaliyo xogtaada
Abka NHS ee COVID-19 wuxuu ka ilaaliyaa sirtaada iyo aqoonsigaaga isticmaalayaasha abka kale 鈥� iyo sirtooda iyo aqoonsigooda adiga. Abku wuxuu isticmaalaa aqoonsiyo aan kala soocanayn oo aysan isticmaali karin NHS ama dowladdu si ay u gartaan qofka aad tahay, ama qofka aad waqti la qaadatay. Tani waa sababta diiwaannadaada tallaalka iyo kaarka COVID ay si gooni ah ugu muuqdaan abka NHS (England oo keliya).